31 macallimiin ah oo la abaal mariyay

0
481

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa abaal marin guddoonsiiyay 31 ka mid ah barayaasha wadanka iyadoo shalay caalamka looga dabaal degay maalinta macallimiinta adduunka.
Madaxa fulinta ee TSC Dr. Nancy Macharia ayaa sheegtay in barayaashan ay muujiyeen waxqabad heer sare ah oo ku dayasho mudan.
Macallimiinta ayaa lagu ammaanay sida ay u guteen waajibaadka ka saaran wax baridda ardayda, maamulka iyo bixinta adeegyo wax ku ool ah oo la xiriira manhaj waxbarasho oo tayaysan.
TSC ayaa sheegtay inay ku dadaalayso siyaabo dheeraad ah oo macallimiinta loogu sharfi karo dadaalkooda.
Barayaasha la abaal mariyay waxaa ka mid ah Mr. Peter Tabichi oo sanadkii 2019-kii loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan ee caalamka.
Waxaa sidoo kale liiskan ku jiro Salat Cadow oo bare ka ah dugsiga sare ee Rhamu ee ismaamulka Mandera iyo Cabdiqaadir Isaaq Sheekh oo wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Banisa ee dowlad deegaanka Mandera.