22 qof oo ku dhimatay duufaan saameysay Maraykanka

0
271

Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib duufaan xooggan oo saameysay Maraykanka.
Boqolaal kun oo isugu jiro guriyo la deggan yahay iyo xarumo ganacsi ayaa koronto la’aan ah.
In ka badan 200,000 oo ka mid ah dadweynaha Maraykanka ayay caqabaddan soo foodsaartay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la joojiyay in ka badan 3,000 oo duullimaadyo ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah shacabka Maraykanka ay u safrayeen deegaanadooda si ay ugu dabbaal degaan Christmas oo maanta dunida laga xusaya.