22 qof oo ku dhimatay dab xoogan oo ka kacay amqaaxi ku taala dalka Shiinaha

0
406

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay maqaayad ku taal magaalada Liaoyang ee waqooyiga Shiinaha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Maamulka Shiinaha ayaan faah faahin ka bixinin waxa dhaliyay dabkaas.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay “dadaal kasta oo lagu daweynayo dadka dhaawaca ah, sido kalena la taageero qoysaska dadkii ku nafwaayay dabka.
Waxaa uu intaas ku daray in si deg deg ah loo ogaado sababta keentay dabka, iyo in la raaco isla xisaabtanka si waafaqsan sharciga.