22 qof oo ay doon kula degtay Mali

0
464

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 22 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Mali kuwaasoo ay saddex carruur ah ka mid yihiin.
Dadkan ayaa geeriyooday ka dib markii doon sidday ay kula degtay xeebta wadanka Liibiya halkaasi oo ay ku quusteen.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay xaqiijiyay qaramada midoobay iyo dowladda Mali.
Wasaaradda qaabilsan arrimaha qurba joogta Mali ayaa bayaan ku sheegtay in dadkan ay ka mid ahaayeen 83 qof oo u badan muwaadiniinta wadankaasi oo tan iyo 22-kii bishii hore doonida ku dhex xayirnaa.
Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee (IOM) ayaa laga soo xigtay in 61 qof ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebta Liibiya.