22 jir looga shakisan yahay argagaxisanimo oo lagu qabtay Nairobi

0
245

Booliiska magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay in uu ku lug leeyahay falal argagixisanimo.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS), 22-jirkan oo aan la sheegin haybtiisa ayay askarta ku qabteen roondo daqiiqado yar ka dib 11-kii habeenimo ee xalay.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ninkan lagu helay in uu sitay 21 waxlaha qarxo, 21 baakidh oo looga shakisan yahay maadada ammonium nitrate, xarig koronto ah oo dhererkiisu yahay shan mitir, iyo “alaabo kale”.
Waxaa loo gudbiyay qeybta booliiska la dagaalanka argagixisada (ATPU) si su’aalo dheeraad ah loo weydiiyo inta ay baaritaanada socdaan, sida ay booliiska sheegeen.