Madaxweyna dalka Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay guddi ka kooban toddobo xubnood oo turxaan bixin doono shakhsiyaadka doonaya inuu buuxiyaan xafiiska guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha Stephen Kirogo u geeriyooday bishii Shanaad ee sanadkan.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in jagada guddoomiyaha guddiga PSC ay bannaan tahay 24-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Guddiga uu magacaabay madaxweynaha ayaa kala ah Kennedy Kihara, Charles Mwanzia Mutinda, Prof. Nuura Maxamad, Edwin Nyabuga Makori, Qureesha Cabdullahi Axmad, Joyce Sitonik iyo Ruth Wambeti Ruraa.
Guddigan ayaa loo xilsaaray inuu kormeero, waxyaabo ay ka mid yihiin, bixinta kheyraadka shaqaalaha oo tayo leh, maamul wanaag iyo weliba adeegyo tayo leh ee dhanka adeegga dadweynaha
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo magacaabay guddi shaqaaleysiyo xafiiska guddoomiyaha guddiga PSC