Sh Shaakir “Maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Ahlu-Sunna”

0
551

Hoggaamiyaha ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu-Sunna.
Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay u taagan yihiin in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.
Sh Shaakir ayaa sheegay in maamulka Galmudug aysan kasoo horjeedin oo ay yihiin dadkii muddada dheer gacanta ku hayay gobolka Galgaduud.
Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay in dagaalka Al-Shabaab aysan u soo jeedin balse ay doonayaan dagaalka Ahlusunna.
Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ka dib markii shalay ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 Kiilo mitir u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.