WFP:2.4 milyan oo halis ugu jira gaajo bisha 11-aad ee sanadkan gudaha Kenya

0
524

Ugu yaraan 2.4 milyan oo qof ayaa halis ugu jira inay macluul iyo gaajo ay soo wajahdo bisha 11-aad ee sanadkan iyadoo abaartu ay si xun u saameysay waqooyiga iyo bariga dalka.
Waxaa sidatan ka digtay hay’adda cunnada adduunta ee WFP.
WFP ayaa xustay in abaarta ka jirta qaybo ka mid ah wadanka Kenya ay korortay saddex jibaar marka la barbardhigo sanadkii hore.
Digniinta ay soo saartay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ee cunnada adduuka ee WFP ayaa kusoo aadeyso iyadoo sanadkii hore intii u dhexeysay bilihii 10-aad iyo 12-aad la diiwangeliyay in 852,000 oo qof ay soo food saartay cunno yari aad u daran.
Waxaa ay sheegtay ismaamullada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ee waqooyiga dalka uu haatan wajahaya xaalad degdeg ah.
Horraantii bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu abaarta wadanka ka jirta ku tilmaamay musiibo dabiici ah iyadoo xilligaasi 2.1 milyan oo qof ay wajahayeen macluul, sida uu sheegay maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA.
Agaasimaha WFP ee dalkani Kenya Lauren Landis ayaa u wakaaladda wararka ee AFP uu sheegtay in abaarta ka jirta qaybo ka mid ah wadanka ay kusoo aadeyso iyadoo ay kenyaanka dhaqaalahooda iyo hab-nololeedkooda uu saameyn ku yeeshay aafada Covid19.
Waxaa ay intaa ku dartay in ka walaacsan yihiin in bishaan roobab badan la fileynin, iyadoo ay xaaladdu kasii dari karto.
WFP ayaa codsatay 139 milyan oo doolar oo ah maaliyad cusub si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadamnimo.
Dhawaan ayay ahayd markii hay’adda cunnada adduunta ee WFP ay shaacisay qorsho lagu sii yareynaya qoondada cuntada ee la siiyo qaxootiga ku nool gudaha Kenya.
Agaasimaha WFP ee dalka Lauren Landis ayaa qaadashada go’aankan u aaneysay dhaqaale yari.
Waxay sheegtay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in kheyraadka yar ee la hayo la isticmaalo ilaa dhammaadka sanadkan.
Mrs. Lauren ayaa intaa ku dartay in 440,000 oo ah qaxooti ku nool Kenya laga billaabo bishaan ay heli doonaan keliya boqolkiiba 52 ee cuntadii horay loo siin jiray.
Waxay carrabka ku adkeysay in xilligan oo ay abaaro taagan yihiin in cuntadada laga sii dhimo qoysas liita ay tahay arrin qalbi jab ah balse aynan jirin waddo kale oo hay’adda u furan.