Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi oo isku dhex dilay gudaha xarunta xeer dejinta

0
535

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha xeer dejinta ee dalka Malawi ayaa lagu soo warramayaa inuu shalay isku dhex dilay xarunta baarlamaanka ee wadankaasi.
Clement Chiwaya, oo 50 sano jir ahaa ayaa la sheegay in xarunta baarlamaanka u tegay si uu uga qaybgalo kulanka xildhibannada oo uu doonayay inuu uga hadlo faa’iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u lahaa xildhibaan ahaan markii uu xafiiska ka tagayay sanadkii 2019-kii
Afhayeenka booliska dalka Malawi ,James Kadadzera ayaa xaqiijiyay dhacdadan balse wuxuu diiday inuu bixiyo tafaasiil dheeraad oo arrinkan la xiriirta ilaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiskan.
“Baarlamaanka wuxuu ka qoomameynayaa inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha xeer dejinta Malawi uu isku dilay xarunta baarlamaanka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed.
Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in dhacdadani ay la xiriirto niyad jab uu ka qaaday hirgelin la’aanta waxyaabihii uu dalbaday.
Mr. Chiwaya ayaa gariggiisa rasmiga iibsaday dhammaadkii shantii sano ee uu xilka hayay ee sannadka 2019-kii, sida ku cad qandaraaska.
Waxaa uu baarlamaanka dalkaasi isku dayay inuu bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaariga Chiwaya galay lix bilood ka dib markii uu baneeyay xafiiska guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Malawi.
Kiiska arrinkan la xiriira ayuu u gudbiyay maxkamad, iyadoo wali ilaa iyo hadda aan go’aan laga soo saarin.
Qoraalka ka soo baxay baarlamaanka Malawi ayaa u muuqda mid tilmaamaya in Chiwaya uu isticmaalay kursiga curyaamiinta, si uu si dhuumaaleysi ah u hub ula galo dhismaha baarlamaanka ee aadka loo ilaaliyo.
Iyadoo uu ku socday kursiga dadka naafada, mashiinta lagu baaro dadka markii ay qaylisay, waxaa loo maleeyay in uu yahay kurisiga uu ku fadhiyay oo bir ka sameysnaa, ayaa lagu yiri bayaanka baarlamaanka ka soo baxay.
Ilo ku sugan xarunta baarlamaanka Malawi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Chiwaya uu madaxa iskaga toogtay gudaha xafiiska karaaniga baarlamaanka Fiona Kalembera.
Clement Chiwaya ayaa ka hor inta uusan noqon guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Malawi, wuxuu soo noqday xildhibaan sanadkii 2004-tii.