Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadeed iyadoo guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati uu ka codsaday inay fahmaan qorshaha doorashooyinka ee lagu howlgelaya ee (EOP).
IEBC ayaa caddeysay in isreeb-reebka xisbiyada la qaban doono bisha koowaad ee sanadka soo socdo iyadoo tani lagu saleynaya sinnaanta jinsiyadeed.
Sidoo kale uruurinta lacagaha ku baxaya ololaha doorashooyinka ayaa la soo gabagabeynayaa bisha 12-aad ee sanadkan halka saraakiisha dowladda ee musharraxiinta ah laga doonayo inay is casilaan bisha labaad ee sanadka 2022-ka.