Dab khasaare gaystay oo qabsaday suuqa Boocle

0
459

Dab khasaare Xooggan oo hantiyadeed gaystay ayaa Barqanimadii Maanta waxaa uu ka kacay qayb kamid ah Suuq Boocle ee degmada Dharkeenleey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in dabka uu ka dhashay koronto, islamarkaana uu baabi’iyay dhowr dukaan oo kuyaal Suuq Boocle, iyadoo Maanta inta badan Suuqa uu xirnaa maadaama ay Jimco tahay.
Qaar kamid ah Ganacsatada Suuq Boocle ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in Ganacsatada qaarkood iyo Maamulka degmada oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay dabkaasi damiyaan walow oo khasaare hantiyadeed gaystay.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale uu dab uga kacay Suuq Boocle ee degmada Dharkeenleey, wuxuuna baabi’iyay dhowr dukaan oo ku yaalla Suqaasi.