Hay’adda KCB Foundation oo ardayda ka bixinaysa jaamacadaha

0
380

Laanta bangiga KCB u qaabilsan barnaamijyada tabarucaadda ayaa sheegtay inay ballaarin doonto deeqaha tacliinta .
Waxay hadda shaacisay in liiska ardaydii horay looga bixinayay qarashaadka dugsiyada sare lagu kordhin doono kuwa dhigta jaamacadaha .
Tani ayaa dhaqaalaha ay KCB Foundation ku bixinaysa howlaha tacliinta muddo toban sano ah ka dhigaysa 131 milyan oo shilin.
50-ka arday ee ugu natiijada wanaagsan ee ay hay’addu ka bixiso lacagaha dugsiyada sare ayaa heli doono deeq waxbarasho oo ka caawinaysa inay wax ka bartaan jaamacad kasta oo dowli ah oo wadanka ku taalla.
Ardayda barnaamijkan ka faa’iidaysanaya ayaa ah laga soo billaabo kuwii sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE)
Deeqda waxbarasho ee bangiga KCB ayaa soo billaabatay 14 sano ka hor waxaana looga gol-leeyahay in sare loo qaado tirada ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee u gudbaya dugsiyada sare.
Hay’adda KCB Foundation ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ku sheegtay in guud ahaan wadanka ay sanadkiiba dhanka tacliinta ka taageerto 240 oo arday ah.
40 ka mid ah tiradan waa ardayda qabo baahiyaha gaarka ah oo si dhamaystiran looga taageero waxbarashada dugsiyada sare.