Shirkadda Safaricom oo sanadkii hore bulshada wax ugu qabatay 664 bilyan oo shilin

0
576

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in sanad maaliyadeedkii tagay ay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom dhaqaale gaaraya 664 bilyan oo shilin ku bixisay barnaamijyada horumarineed ee bulshada.
Tani ayaa ilaa toban mar ka badan faa’iidadii ay shirkaddu sanadkaasi heshay.
Warbixinta ayaa loogu magacdaray ‘True Earnings’ oo loola jeedo dakhliga saxda ah ee ka soo xaroodo ganacsiga.
Qoraalka ayaa muujinaya in Safaricom ay miisaaniyad sanadeedkii 2020-2021-kii dhaqaalaha wadanka ku biirisay 557.1 bilyan oo shilin tan oo u dhiganta boqolkiiba 5.2 ee kobaca dhaqaale .
Guddoomiyaha Safaricom Michael Joseph ayaa xusay inay farxad u tahay in la soo bandhigo guulaha ay gaareen, caqabadaha haysta iyo dhinacyada ay mustaqbalka diiradda saari doonaan maadaama sida uu hadalka u dhigay waxyaabahan ay muhiim u yihiin danaha ganacsi ee shirkadda iyo saamileyda uu xiriirka kala dhexeyo.
Sidoo kale Safaricom ayaa abuurtay fursado shaqo oo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo kor u dhaafaya hal milyan.
Waxaa warbixinta ku xusan in shirkadda isgaarsiinta ay beertay in ka badan 650,000 oo geedo ah tani oo qayb ka ah qorshaha shirkadda ee ay muddo shan sano ah ku abuurayso 5 milyan oo geed.