Maraykanka oo ansaxiyay xeer lagu taageeraya dowladda Liibiya

0
416

Golaha wakiillada ee Maraykanka ayaa ansaxiyay hindise sharciyeed xal loogu raadinaya faragelinta dibadeed ee ka dhanka ah dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee wadanka Liibiya.
Waxay tani michaneedu tahay in xannibaad la saari karo cid kasta oo garab siinaysa dhinacyada isku haya Liibiya.
Waxaa hindisahan codkooda ku taageeray 386 wakiilo ah halka ay ka soo horjeesteen 35.
Ujeeddada laga leeyahay xeerkan ayaa lagu sheegay in wadanka Liibiya lagu soo dabaalo xasilooni buuxda waxaana golaha hor geeyay Ted Deutch oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga iyo Joe Wilson oo jamhuuri ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal toddobaad un ka dib markii baarlamaanka Liibiya ee uu fadhigiisu yahay dhanka bari uu ansaxiyay mooshin kalsoonida lagala laabanaya dowladda lagu mideysan yahay ee Tripoli.
Waxaa xukuumaddaasi si ku meel gaar ah u hoggaamiyo ra’iisul wasaare Cabdul Xamiid Dbeibah.