Agaasimaha WHO oo raaligelin ka bixiyay faraxumeyn laga soo tabiyay Congo

0
562

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay inuu aad uga xun yahay oo uu raaligelin ka bixinaya faraxumeeyn la sheegay in qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ay ka gaysteen gudaha jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo.
Waxaa uu maalin madoow ku tilmaamay 28-kii bishan oo la soo bandhigay warbixin arrinkan ku aaddan.
Agaasimaha WHO ayaa arrin nasiib darro ah ku sheegay in saraakiil loo diray inay la dagaalamaan cudurka Ebola ee wadankaasi saameeyay ay xadgudub gaystaan.
Tani ayaa timid ka dib markii baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in haween dhowr ah laga dalbaday in loo galmoodo si gargaar loogu fidiyo halka qaar kalena la kufsaday.
Warbixinta waxaa ku cad in kiisaska tacaddiga jinsiyadeed ee Congo ka dhacay ay yihiin ilaa 80 waxayna taabanayaan 20 ka mid ah shaqaalaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.