Bukaannada ku jiro isbitaallada Nyeri oo si joogta u heli doona daawooyin

0
345

Bukaannada adeegyada caafimaad u raadsada isbitaallada ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka ayaa waxaa loo xaqiijiyay inay si joogto ah daawooyin u heli doonaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda ismaamulkaasi ay sheegtay inay dhammaan xarumaha caafimaadka ee gobolka gaarsiin doonto agaabyo caafimaad oo daruuri ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa xusay in maamulkiisu ay ka go’an tahay inuu mudnaanta koowaad siiyo daryeelka caafimaadka ee dhammaan dadka ku nool deegaanada Nyeri.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caafimaadku uu udub dhexaad u yahay aasaaska noolasha.
Daawooyinka ayaa waxaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee miyiga waxaa ayna iskugu jiraan daawooyinka dhiig-karka, qallajiyaha , xanuun-baabiyaasha , cirbado, faashado, gacmo-gashiyo iyo kuwa kale si loo hubiyo bixinta adeegyada caafimaadka oo aan kala go’o lahayn.
Degmooyinka la geeyay daawooyinka ayaa waxaa ka mid Gichira, Thageini, Aguthi, Unjiru, Wamagana, Kiganjo, Kinunga, Karia iyo xarumaha caafimaadka ee Marua iyo Mukurwe-ini.
Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa xusay in ismaamulka uu dalbaday daawooyiin qiimahoodu yahay 91 milyan oo shilin walow uu sheegay in maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta daawoonyinka caafimaadka ee (KEMSA) uu keenay daawooyin qiimahoodu yahay 43 milyan oo shillin kuwaasi oo ah wax ka yar kalabar intii uu maamulka dalbaday.
Barasaabka ayaa arrintan u sababeeyay in KEMSA aysan haynin qaar ka mid ah daawooyinka uu maamulkiisa dalbaday.