Kenya oo heshay 210,600 ah tallaalka Pfizer

0
439

Waxaa dalka la soo gaarsiiyay 210,600 oo ah tallaalka cudurka COVID-19 nooca loo yaqaano Pfizer galabnimadii shalay iyadoo diyaaraddii siday tallaalkaasi ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Tani waa shixnaddii labaad ee daawooyinka Pfizer ee la keeno gudaha dalkani Kenya.
Dowladda Maraykanka ayaa Kenya ugu deeqday tallaalkan si sare loogu qaado dagaalka ka dhanka ah cudurka .
Toban cisho ka hor ayay ahayd markii ay Kenya la soo wareegtay shixnaddii ugu horreysay oo ahayd 795,000 taasoo xukuumadda Washington ay ku deeqday.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in ilaa 20-ka bisha Tobnaad ee sanadkan cudurka COVID-19 gudaha Kenya looga tallaalo ugu yaraan 5.8 milyan oo qof.