Wasiirka beeraha oo ballan qaaday in qiimo wanaagsan lagu iibsan doono wax soo saarka beeraha

0
477

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya ayaa sheegay in uu dib u habayn ku samaynayo waaxyaha kala duwan ee wasaaradiisa si loo hubiyo in dalagga ay soo saaraan beeralayda looga iibsado qiimo wanaagsan.
Peter Munya ayaa waxaa uu carrabaabay in uu xoogga saarayo kor u qaadidda qiimaha lagu kala iibsado badeecooyinka sida caanaha, qasabka, qaxwada iyo caleenta shaaha si beeraleyda ay macaash fiican uga helaan dadaalkooda.
Waxaa uu tilmaamay in wasaaradda beeraha ee uu hoggaamiyo ay halkii taan ee qasabka sonkorta ah beeralyda uga iibinayaan 4 shillin halka caanaha liitarkii la siinayo 37 oo shilinka dalka ah
Peter Munya ayaa ku celceliyay in qiimaha caleenta shaaha ee caalamku ay hoos u dhacday tan iyo sanadkii hore taas oo uu sheegay in ay ku kaliftay inuu isbeddel ku sameeyo qiimaha lagu iibiyo caleenta bishii toddobaad ee sanadkan isagoo ka dhigay 1.88 doolar
Sare u qaadidda qiimaha lagu iibsado badeecoonyinkaasi ayaa waxaa uu wasiirka xusay in looga gol-leeyahay in lagu ilaaliyo xuquuqda beeralayda iyadoo uu dhaqaalaha dalkani Kenya inta badan ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha.