Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo kulan la qaatay afar ka mid ah barasaabyada ismaamullada gobolka bartamaha dalka ayaa madaxdaasi iyo si guud kenyaanka u xaqiijiyay inay ku aamini karaan hoggaaminta wadanka.
Mr. Odinga oo saddexdii cisho ee ugu dambeeyay socdaal ku marayay gobolka bartamaha ayaa bulshada halkaasi ku nool ka codsaday inay fursad u siiyaan inuu hoggaanka kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa caddeeyay in aynan jirin wax xumaata ama cadowtinimo ah oo ka dhexeysa isaga iyo dadweynaha Mt. Kenya.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay iska dhaga tiraan dayaacad uu sheegay in laga faafiyay oo ah inuusan diiradda saarin danaha gobolkaasi.
Raila Odinga ayaa doonaya inuu markii shanaad u tartamo hoggaanka ugu sarreya dalka .