Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay tijaabisay gantaal kale oo ka mid ah kuwa riddada dheer.
Saraakiil ka tirsan Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegaya inay ka shakisan yihiin in gantaalka lagu tuuray dhanka badda.
Tani ayaa imaanaysa wax yar un ka dib markii ergeyga xukuumadda Pyongyang ee qaramada midoobay uu sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay tijaabinta gantaallada
Waxaa uu arrinkan u aaneeyay siyaasad aan u wanaagsanayn Kuuriyada Waqooyi oo uu sheegay in lagula macaamilo.
Kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayay dhanka kale dowladda Kuuriyada Koonfureed walaac kaga muujisay tallaabooyinka ay qaadayso Pyongyang ee wax u dhimi karo xasiloonida gobolka.