21 xisbi oo ku biiraya Kenya Kwanza

0
514

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Moses Kuria ayaa sheegay in xisbiga uu hoggaamiyo ee CCK iyo 21 kale ay ku howlan yihiin wada hadallo ay ugu biirayaan isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in lala yimaado isbeheysi wayn oo siyaasadeed.
Moses Kuria ayaa xusay inay iskaashi la sameynayaan garabyada siyaasadeed ee aad u daneeya nabadgalyada iyo horumarka.
Waxaa uu ballanqaaday inuu dib ka soo sheegi doono faahfaahin dheeraad oo qorshahan ku aaddan.
Dhawaan ayay ahayd markii Moses Kuria uu sheegay inuusan taageero u muujin doonin isbeheysiga OKA haddii uu la midoobo Azimio.