Duqeyn uu Maraykanka ka fuliyay deegaano hoos yimaada degmada Afgooye, oo qiyaastii 30 kiilomitir dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, sida aan ka soo xiganay ehellada dhibanayaasha.
Waxay duqeyntan dhacday xilli ay dadkan ku sugnaayeen beerahooda oo ku yaalla deegaanka Baqdaad.
Dadka lagu bartilmaameedsaday duqeyntan ayaa ahaa dad isku qoys ah oo aan wax lug ah ku lahayn kooxda Al-Shabaab sida ay warbaahinta ka sheegeen ehelladooda.
Dowladda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in duqeyntaasi ay ku dishay ugu yaaran 30 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay isku arursadeen goobta lagu bartilmaameedsaday.
Dad goobjoogayaal ah iyo ehellada dhibanayaasha oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay, in dadka la beegsaday ay ka koobnaayeen ugu yaraan 40 qof, kuwaas oo ay sheegeen in qaarna ay ku geeriyoodeen duqaynta, halka qaar kalena lagu dhaawacay.
Waxaa ay intaasi ku dareen in markii koowaad iyo markii labaad oo dadkan loo soo gurmaday in mar kale la duqeeyay.
Ehellada dadkan ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ka dalbaday cadaalad, iyagoo sheegay in dadkooda loo gaystay xasuuq.
Waxay sheegeen in loo bartilmaameedsaday si looga barakaciyo dhulkooda.
Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama soo saarin cabashada dadkan oo ka cabanaya in dadkooda lagu laayay duqeyntii uu Maraykanka ka gaystay gobolka Shabeellada Hoose.