Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Cabdalla Badi uga hor istaagtay inuu ka qayb galo kulamada ay yeeshaan golaha wasiirrada ee wadanka.
Maamulka NMS ee uu hoggaamiyo Badi ayay dowladda dhexe u xilsaartay inuu shacabka ku nool caasimadda dalka ee Nairobi u fidiyo qaar ka mid ah adeegyada aasaasiga sida caafimaadka .
Garsoore Anthony Mrima ayaa go’aankan ku dhawaaqay.
Waxaa uu meesha ka saaray go’aankii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu soo magacaabay Badi oo uu ugu oggolaaday inuu ka qayb qaato shirarka wasiirrada.
Xaakinka ayaa xusay in go’aanka ku cad amarkii madaxweynaha ee tirsigiisu ahaa No. 3 ee sanadkii 2020 uunan waafaqsanayn dastuurka Kenya.
Maxkamadda ayaa go’aankan qaadatay ka dib markii ay tixgelisay dacwad ay gudbisay xildhibaanadda deegaanka Kandara ee ismaamulka Murang’a Alice Wahome.