Beesha caalamka oo cambaareysay weerar ay gaysteen Xuutiyiinta

0
362

Beesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ku bartilmaameedsatay boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wadamada arrinkan si adag uga hadlay waxaa ka mid ah Baxrayn iyo isku tagga imaaraadka carabta ee UAE.
Sidoo kale hay’adda iskaashiga dalalka islaamka ee OIC ayaa sheegtay in weerarkaasi oo gantaal loo adeegsaday aan lagu guulaysan.
Xoghayaha guud ee hay’addan Dr. Yousef Al-Othaimeen ayaa isbeheysiga militari ee uu Sacuudigu hoggaaminayo ku ammaanay falcelin degdeg ah oo uu sameeyay.
Mas’uulkan ayaa mar kale beesha caalamka ugu baaqay inay laba jibaarto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Ciidamada difaaca hawada ayaa la sheegay inay gantaalkaasi qabteen kadibna burburiyeen ka hor inta uunan gaarin magaalada Jazan ee koonfurta galbeed ee Sacuudi Carabiya oo uu bartilmaameedsigu ahaa.