IEBC oo bisha Oktoobar billaabaysa diiwaangelinta codbixiyaasha

0
525

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa la filayaa inuu 4-ta bisha Tobnaad ee sanadkan daahfuro diiwaangelinta codbixyaasha wadanka.
Waxaa barnaamijkan uu ku bartilmaameedsanayaa ilaa 6 milyan oo qof.
Guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in la diiwaangelin doono dadka ay da’doodu tahay 18 sano iyo wixii ka sarreeya ee haysta aqoonsiga qaran.
Tani ayaa qayb ka ah diyaar garowga uu guddigu ugu jiro maareynta doorashada guud ee sanadka 2022-ka oo dhici doonto bisha siddeedaad.