Taalibaan oo doonaysa in wakiilkeeda uu la hadlo QM

0
375

Kooxda Taalibaan ee bishii hore la wareegtay hoggaanka wadanka Afghanistan ayaa codsatay in ergey ay soo magacawday uu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ee golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Suhail Shaheen oo ah afhayeenkooda fadhigiisuna yahay magaalada Doha ee dalka Qatar ayay Taalibaan u soo xulatay ergeyga Afghanistan ee qaramada midoobay.
Kulankaasi oo toddobaadkan ka qabsoomaya magaalada New York ee Maraykanka ayaa lagu tilmaamay mid heer sare ah.
Afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in codsigan loo bandhigay Isniintii.