Iyada oo ay socoto doodda ku saabsan manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC, ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ku wargeliyay ururka qareenada dalka ee LSK inay tartan adag kala kulmi doonaan kiiskii ay toddobaadkii hore u gudbiyeen maxkamadda oo ay uga soo horjeedaan manhajka cusub ee tacliinta.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa ku adkeystay in nidaamka cusub ee waxbarashada uu yahay kan ugu wanaagsan dalka.
“Shaqadeyda aan qabsado, idinkana tiina qabsada, kiiska maxkamadda geeya aan iskugu imaana halkaasi, balse waxaan idin xaqiijinaya inaan is difaaci doono” Maxaad arrimaha waxbarashada ugu dayni la’a dhihin kuwa ku takhasusay tacliinta?” ayuu yiri Prof. George magoha.
Waxaa uu xusay in waalidiinta guriga jooga ay yihiin ah macallimiinta ugu wanaagsan abid.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya ka dib markii ururka walidiinta ee dalka NPA uu soo dhaweeyay manhajka cusub ee waxbrashada.
Waxaa uu ururkan ballanqaaday inuu difaaci doono manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC oo dacwad la xiriirta maxkamadda loo gudbiyay.
Waxaa ay sheegeen inay ku biirayaan dacwadda arrinkan ku aadan ee maxkamadda la geeyay.
Guddoomiyaha ururka waalidiinta ee dalka Nicholas Maiyo oo hadalkan ka jeediyay xarunta machadka horumarinta manaahijta waxbarashada ee dalka ee KICD ayaa sheegay in walaaca ururkan uu yahay oo kaliya dacwadda la gudbiyay ee looga soo horjeedo manhajka cusub.
Waxaa uu xusay in manhajka cusub la rajeynaya inuu ardayda ka soo dhiso dhinaca xirfadaha islamarkaana ay tahay in la soo dhaweeyo.