40 qof oo lala xiriirinaya Iskudaygii afgembi ee Suudaan oo la xiray

0
504

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan iskuday afgembi oo saaka laga soo tabiyay wadanka Suudaan.
Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in falkaasi lagu eedeynayo saraakiil militari iyo shacab la rumeysan yahay inay xiriir la lahayeen dowladdii la riday ee madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
Ilaa iyo hadda waxaa gacanta lagu dhigay 40 eedeysanayaal ah oo baaritaano maraya.
Suudaan ayay xasilooni darro ka jirtay tan iyo markii bishii Afaraad ee sanadkii 2019-kii hoggaanka laga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaasi muddo dheer madax ka ahaa.
Shacabka dalka Suudaan ayaa loogu baaqay inay is difaacaan oo ay ka hortagaan arrinkan.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in la qaadayo tallaabooyin looga hor tagayo afgembi
Waxaa sidoo kale la sheegay in inqilaabka fashilmay uu ahaa mid lagu doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee Omdurman iyo telefishinka qaran ee dalkaasi oo ku yaalla caasimadda Khartoum.
Waxaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn cidda soo maleegtay iskudayga afgembi.
Sidoo kale lama sheegin khasaaraha ka dhashay falkan fashilmay iyo saraakiisha hoggaaminaysay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maamullada ammaanka ee dalkaasi ay xaaladda dejiyeen.
Afhayeen u hadlay ciidamada militariga ee Suudaan oo lagu magacaabo Maxamad Al Faki Suleiman ayaa xusay inay mar dhow bayaan soo saari doonaan.