Wararka ka imaanaya ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegaya in nin 30 sano jir ah uu u dhintay dhaawacyo mindi loo adeegsaday ka dib gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo saxiibkiis xilli ay goob lagu caweeyo ku sugnaayeen.
Khilaafka labadaan nin ayay wararku sheegayaan inuu la xiriiro shaqaaleysiin uu sameynayay maamulka dowlad deegaankaasi.
Sida laga soo xigtay warbixinta ciidanka booliska, Peter Ekai oo 30 sano jir ahaa iyo Elphas Kipkoech oo 26 sano jir ah ayaa ku sugnaa goob Khamri oo ku dhex taalla xarunta ganacsiga Longisa ee Kamagut markii uu muranku soo kala dhexgalayay.
Ninka dhibaatada gaystay ayaa sheegay inuu shakhsiga la dilay ku eedeeyay inuu isagu qorsheeyay tallaabada looga eryay waaxda amniga ChapChap oo uu waardiye ka ahaa.
Eedaysanaha ayaa beeniyay eedaymaha dilka la xiriira ee loo soo jeediyay dagaalka ayaana sida la sheegay dhacay ayadoo labada ninba ay sarkhaansanaayeen.
Ekai ayaa xabadka mindi laga geliyay wuxuuna u geeriyooday dhaawicii soo gaaray ka dib markii loola cararay isbitaalka Moi halkaasoo lagu dabiibayay.
Ninka kale oo qudhiisu dhaawacyo qabay ayaa lagu daaweeyay xaruntaas ka hor intaan laga saarin oo aan loo sii qaadin saldhigga ciidamada booliska ee magaalada Eldoret.
Waxaa haatan socda baaritaano ku aaddan dilka uu ku kacay.