DHAGEYSO:Xildhibaanka Garissa Township iyo mas’uuliyiin kale oo kormeeray dhismaha maxkamadda cusub ee Garissa

0
571

Guddiga xisaabaadka golaha qaran ee xeer dejinta iyo saraakil ka tirsan xafiiska hanti dhowrka guud ee dalka oo uu hor kacayay xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa socdaal indha indheyn ah ku tagay magaalada Garissa gaar ahaan dhismaha maxkamadda cusub .
Mudanaha ayaa sheegay in ujeedka boqashadoodu ay ahayd in ay xagiijiyaan badqabka dadweynaha u baahan adeegyada cadaaladda ,dhamaystirka maxkamadda iyo xilliga maxkamadda lagu wareejin doono waaxda gaarsoorka.
Waxaa uu xusay inay rajeynayaan in howshan la soo gabagabeeyo 25-ka bishan sagalaad.
Hasa ahaate xildhibaanka ayaa sheegay inay ka walacsan yihiin dib u dhaca ku yimid wareejinta mashruucan .
Aadan Barre Ducaale ayaa dhanka kale madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka dalka Anne Amadi ka codsaday dardargelinta rakibaadda agabka.
Waxaa mashruucan maalgeliyay bangiga adduunka oo kaashanaya dowladda dhexe iyadoo qarashka ku baxay uu yahay 351 milyan oo shilinka dalka ah.