DHAGEYSO:Kenya oo ka mid ah meelaha laga xusaya maalinka nabadda adduunka

0
509

Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada maanta looga dabaal degaya maalinka nabadgalyada adduunka oo sanad kasta la xuso 21-ka bisha sagalaad.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa xaflado kala duwan oo arrinkan ku aaddan ku qabanaya ismaamullo ay ka mid yihiin Nakuru iyo Uasin Gishu.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta guddiga ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka laga leeyahay munaasabadahan iyo muhiimadda ay u leeyihiin dalka xilligan oo diyaar garow loogu jiro doorashada guud ee sanadka 2022-ka.