Aqoonyahankii la waayay oo xalay gurigiisa ku hooyday

0
636

Waxaa xalay xuriyaddiisa dib u helay aqoonyahankii soomaaliyeed oo muddo 10 cisho ka hor la waayay kaas oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamed.
Qoyskiisa ayaa xalay xaqiijiyay in Prof. Cabdiwahaab uu isaga oo badqaba la helay islamarkaana gurigiisa ku hooyday.
Waxaa ay sidoo kale qoyskiisa sheegeen in wax dhibaato ah loo gaysan.
Waxaa ay ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ay ka bixiyaan siideyntiisa.
Mr. Cabdiwahaab ayaa dhanka kale la sheegay in su’aallo la weydiiyay kaddibna la soo fasaxay, islamarkaana aan maxkamad lasoo taagin.
4 qof aan haybtooda la garaneyn ayaa horay la sheegay inay ka afduubteen bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi, walow aan la ogeyn sababaha loo qafaashay.
Si kastaba ahaate lama oga cidda ka dambeysay afduubkiisa iyo ujeedada laga lahaa.
Mr. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamed ayaa ah aqoonyahan cilmi durugsan u leh arrimaha gobolka Geeska Afrika.
Waxaa uu sidoo kale qayb ka ahaa qaar ka mid ah machadyada cilmibaarista ee ka dhisan Geeska Afrika, isaga oo sidoo kalena ahaa bare jaamacadeed waxna ku qori jiray mid ka mid ah warbaahinnada dalka
Waxaa uu sidoo kale ahaa falanqeeya ka faallooda arrimaha Soomaaliya, isagoo la sheegay inuu taagerro weyn u yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.