Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 203 ruux ay markii labaad qaateen daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Wajigii ugu horreeyay ee tallaal bixinta waxaa ka faa’iiday 969,489 qof.
Marka la eego tiradan boqolkiiba 56 waa rag halka haweenka ay yihiin boqolkiiba 44.
29-kii bishii hore ayay ahayd markii Kenya ay Suudaanta Koonfureed kala soo wareegtay 72,000 oo kuuro ama doosees oo ah nooca tallaalka ee AstraZeneca.