Ganacsadaha caanka ah Jimmy Wanjigi sidoo kalena u sharraxan xilka madaxweyninimo oo shalay socdaal ku tegay ismaamulka Migori ayaa koox dhallinayaro ah dhagaxeeyeen xilli uu doonayay inuu kulan la qaato ergooyin kala duwan.
Mr. Jimmy Wanjigi ayaa doonaya in xisbiga ODM uu ku matalo jagada madaxweyninimo ee doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka.
Waxaa uu doonayay inuu kulan la qaato wufuud ka socotay xisbiga ODM oo ku sugnaa kaniisadda Maranatha Faith ee magaalada Migori
Waxaa la soo wariyay in dhallinyaradu ay dalbanayeen inay ogaadaan habkii loo maray soo xulidda ergooyinka, iyagoo ku eedeeyay Wanjigi inuu u adeegsaday koox daneystiyaal si uu u abaabulaan shirkaasi.
Dhanka kale, xisbiga ODM ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay dhacdadan.
Waxaa ay ku baaqeen in la dulqaato oo la dejiyo aragti kasta oo siyaasadeed.
Waxaa ay sidoo kale ugu baaqday booliska dowlad deegaanka Migori inay hubiyaan in dambiilayaasha arrinkan ka dambeeyo sharciga la horkeeno.