Amaanka magaalada Baraawe oo laga shiray

0
269

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur ayaa kulan looga hadlayay amaanka degmada Baraawe ee gobolkaasi shabeelada Hoose wuxuu la qaatay saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmadaasi Baraawe.
Kulanka ayaa diirada lagu saarayay sidii ciidamada AMISOM ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo amaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacayaaan magaalada Baraawe.
Maxamed Cabdiraxiin Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee dhawaan la magacaabay ayaa maalmihii la soo dhaafay wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ammaanka ka howlgala gobolka shabeelada hoose wuxuuna kala hadlayay qorsheyaashiisa amaanka iyo hormarinta gobolka ku saabsan.
Kulankaan dhex-maray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli shalay degmada Baraawe ay ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad kasoo horjeeda habka loo dhisayo Golaha degaanka degmada Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here