29 milyan oo duruufo nololeed ku wajahaya wadamo ka mid ah Afrika

0
413

Qaramada midoobay iyo qaar ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa sheegay in 29 milyan oo qof oo ku nool gobolka Sahel oo ay ku teedsan yihiin ilaa 6 waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika ay wajahayaan xaalado baniaadanimo.
Dadkan ayaa ka soo jeedo wadamo ay xasilooni darro saameysay.
Sida warbixinta ku cad waxay u baahan yihiin gargaar baniaadanimo oo degdeg ah si noloshooda loo badbaadiyo.
Waxaa caawimaadda si gaar ah ugu baahan 5 milyan oo ku nool wadamada Burkina Faso, Cameroon gaar ahana dhanka waqooyi, Chad, Mali, Niger iyo waqooyi bari Nigeria .
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dagaallada wadamadan ka jiro ay sare u sii kacayaan oo ayna ka qayb qaadanayaan kooxo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here