10 arday oo KCSE sameeynaya iyagoo umul ah

0
396

Waxaa lagu soo warramayaa in 10 gabdhood oo ka mid ah ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay imtixaanka KCSE-da ku sameeynayaan isbitaalka Moi ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu ka dib markii ay umuleen.
Ardaydan ayaa ka soo kala jeedo dowlad deegaannada galbeedka wadanka.
Labo ka mid ah gabdhaha ayaa ka soo jeedo Uasin Gishu sida laga soo xigtay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulkaasi Stephen Kihara.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in maadaama isbitaalka Moi uu yahay mid guud, ay jiraan gabdho arday ah oo umulay kuwaasoo laga keenay ismaamullada Kisii, Kericho iyo Elgeyo Marakwet si ay halkaasi imtixaanka shahaaddiga ugu sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here