Shacabka magaalada Wuhan ee Shiinaha oo laga baarayo cudurka COVID-19

0
383

Mas’uuliyiinta magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in ay baaritaan ku aaddan cudurka COVID-19 ku sameeynayaan dhammaan shacabka halkaas ku nool.
Caabuqa corona ee ku fiday dunida ayaa markii hore ka soo billowday magaaladaasi.
Sidoo kale mas’uuliyiinta dalka shiinaha ayaa ku howlan sidi ay u cirib tiri lahayeen noocyada kala duwan ee cudurka.
Waxay sheegen in toddobo kiis oo maxali ah laga helay shaqaalaha dalalka kale ka yimid ee ku sugan Wuhan.
Dowladda Shiinaha ayaa dagaalka ay kula jirto cudurka awgeed waxay shacabka ku boorrisay in ay guriyaha ku sugnaadaan sidoo kale waxaa la joojiyaay isku socodka gawaarida ee gudaha magaalada Wuhan.
Shiinaha ayaa laga xaqiijiyay 90 ah xaaladaha cusub ee caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here