DHAGEYSO:Mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay in haweeney ay qaadi noqon karto

0
783

Waxaa gudaha dalka weli ka jirto hadal hayn ballaaran oo ka dhalatay soo jeedin dhawaan soo baxday taasoo ahayd in haweenka si la mid ah ragga fursad loo siiyo in ay qabtaan xilka qaadiga guud ee wadanka.
Sheekh Maxamad Cismaan Calasow oo ka mid ah culimada ismaamulka Mandera ayaa dareenkiisa ku biiriyay dooddan isaga oo sheegay in diinta Islaamka aynan oggolayn in qof dumar ah ay qaadi noqoto.

Waxaa sidoo kale arrinkan ka soo horjeestay golaha qaran ee ka talo bixiya arrimaha Islaamka ee KEMNAC oo sheegay in aynan suurtagal ahayn in haweenay ay noqoto qaadi .
Guddoomiyaha KEMNAC Sheekh Juma Ngao ayaa xusay in haweenka hadii ay doonayaan inay ka shaqeyaan maxkamadaha caadiga ee dalka aynan jirin cid ka hor taagan balse wixii xukun diin ah sida guurka iyo dhaxalka aan madax looga dhigi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here