Barasaabyada saddex ismaamul oo ka hadlay faafidda COVID19

0
450

Guddoomiyaasha ismaamullada Kisumu, Kakamega iyo Kisii ee kala ah Peter Anyang’ Nyong’o, Wycliffe Ambetsa Oparanya iyo James Ongwae ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan xakameynta faafitaanka cudurka COVID19.
Shir jaraaid oo ay maanta qabteen ayay dadweynaha ugu baaqeen in ay si buuxda u raacaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya xanuunka.
Mr. Oparanya ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu si joogto ah u xirto afduubka , in aan aad la isugu dhawaan oo labadii qofba ay u dhexeyso 1.5 mitir sidoo kalena si joogto ah loo dhaqdo gacmaha.
Barasaabka Kisii James Ongwae ayaa dhankiisa shaaciyay in hoggaamiyaasha saddexda ismaamul ay isku afgarteen in hadii qof qabo cudurka COVID19 aan lagu daaweyn karin dowlad deegaanka uu ku nool yahay loo qaadi karo ismaamulka kale ee ugu dhow.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda dhexe ay xayiraado ku soo rogtay 13 ismaamul oo ay Kisumu, Kakamega iyo Kisii ka mid yihiin.
Xayiraadda oo lagu saleeyay in ay kordheen xaaladaha caabuqa ayaa waxaa shaaciyay wasirika wasaaradda caafimaadka dalka Mr.Mutahi Kagwe waxayna sidoo kale saameysay Busia, Vihiga, Nyamira, Kericho, Bomet, Bungoma, Trans Nzoia, Siaya, Homa Bay iyo Migori.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here