Haweeney Hindi ah oo ka tagtay guriga qoyskeeda sannadkii 2010-kii oo aan la arkin tan iyo markaas ayaa dhowaan la helay iyadoo ku nool meel 500 oo mitir u jirta guriga waalidkeed, oo ah guriga nin ay aad u jeclayd.
Qoyska Sajitha ayaa ka quustay inay helaan gabadhooda, ka dib markii ay si fudud guriga uga baxday maalin uun, sanadkii 2010.
Iyaga oo u maleynaya inay dhimatay ama ay ku nooshahay meel u jirta kumanaan mayl, waligood xitaa ma aysan aqbalin fikradda ah inay isla tuula joogaan, iskaba daa inay ku nooshahay guri ay daris yihiin.
Sida ay noqotay, haweeneyda, oo 18 jir ahayd markii la waayey, ayaa si fudud uga baxday guriga waalidkeeda una gudubtay gacaliyaheeda qarsoodiga ah, oo ah nin maxalli ah oo ay ku qancisay waalidkeed in aysan oggolaan doonin.
Arrinta ah sida ay isku qariyeen mudada kow iyo tobbanka sanno ah ayaa ah mid laga sal gaari waayay.
Gabdha oo markaas yarayd kama tagin wax tilmaamo ah markii ay ka soo tagtay guriga qoyskeeda, ma aysan wadan wax taleefan ah booliiskuna way awoodi waayeen inay caawiyaan qoyskii ay ka maqnayd.
Waalidiinteedu kama aysan tuhmin xiriir jaceyl oo ay la leedhahay qof aad ugu dhow, maadaama aysan jirin cid kale oo ka maqneyd tuuladaasi oo lagu magacaabo Ayalur.
Sajitha waxaa la helay horaantii bishaan kadib markii nin 34 jir ah oo u dhashay deegaanka oo lagu magacaabo Alinchuvattil Rahman uu si lama filaan ah uga dhuuntay guriga qoyskiisa seddex bilood ka hor, qoyskiisana waxay ku wargeliyeen booliska. Walaalkiis Basheer ayaa maalin uun ka arkay isaga oo jooga wadada dhinaceeda, wuxuuna ku guulaystay inuu u raaco guri ku yaal tuulo deris la ah, oo uu ka kiraystay Sajitha.
Booliska ayaa lamaanahan geeyay maxkamad maxalli ah, taas oo u oggolaatay inay si sharci ah ku wada noolaan karaan markay dhageysteen sheekadooda. Sida muuqatay, labadoodaba waxay kala haysteen laba diimood oo kala duwan waxayna hubiyeen in reerahoodu aysan aqbali doonin jacaylkooda, sidaa darteed waxay go’aansadeen inay si qarsoodi ah u wada noolaadaan.
Balse arrinta la yaabka leh ayaa ahayd inay ku noolaayeen guri yar oo hal qol ah sido kalena aan lahayn musqul.
Waxay musqusha la isticmaali jireen wiilka reerkooda oo ahaayen daris kuna wada noolaa hal xaafad.
Arrinta ayaa soo shaac baxday ka dib markii reerka wiilka ay ku cadaadiyeen inuu sameeysto aroos kaas oo aan qarsoodhi ahayn.