Dowladda oo sare u qaadaysa dagaalka ka dhanka ah tacaddiga jinsiyadeed

0
309

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay mudnaanta koowaad siin doonto taageeridda dumarka iyo xoojinta la tacaalidda xadgudubyada jinsiyadeed.
Waxay xustay in shaqaaqooyinka ay haweenka la kulmaan ay kordheen tan iyo intii uu billowday cudurka faafaya ee COVID-19 .
Mrs. Kobia ayaa carrabka ku adkeysay in Kenya ay si dhow ula shaqeynayso wadamada barwaaqa-sooranka si loo adeegsado qaabka ugu wanaagsan ee ilaalinta xuquuqda dumarka.
Wasiiradda ayaa soo bandhigtay macluumaad muujinaya in xadgudubka ku saleysan jinsiga ee gudaha Kenya uu sanadkii 2020-kii sare u kacay boqolkiiba 36.
Waxay intaas ku dartay in caqabadda jirta ay tahay in qaar ka mid ah dhibanayaasha aynan soo gudbin warbixin ku saabsan xadgudubyada loo gaysto.
Dowladda dhexe ayaa dhanka kale shaacisay in 13 ka mid ah ismaamullada wadanka laga hirgeliyay 36 goobood oo hooy u ah haweenka ay shaqaaqooyinka saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here