Madaxweynaha dalka oo sheegay in Covid-19 uu qaaradda u horseeday faqri aad u daran

0
594

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aafada Covid-19 ay sii xumaysay saameynta isbedeelka cimilada ee dhaqaalaha Afrika.
Waxaa uu xusay in dhaqaalaha guud ee loo yaqaano GDP ee qaaradda ay markii ugu horreysay muddo 25 sano ah hoos u dhacday in ka badan saddex boqolkiiba sanadkii 2020-kii.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in Afrika ay tahay mid ka mid ah qaaradaha ugu nugul caalamka isbeddelka cimilada islamarkaana xaaladda ay sii xumaysay Covid-19.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in qaaradda ay wajaheyso dhibaatooyin dhanka caafimaadka, dhaqaalaha, iyo dhibaato xagga cuntada ah, iyadoo isbeddelka cimilada uu sabab u yahay dhibaatooyinkan.
Waxaa uu sidoo kale xusay in in ka badan 40 milyan oo Afrikaan ah u Covid-19 u horseeday faqri aad u daran.
Waxaa uu intaa ku daray in waddamada Afrika ay u baahan doonaan horumarin xagga helitaanka maaliyadeed ah si dhaqaalahooda uu dib u soo kabto.
Hadalkan ayuu Mr. Uhuru Kenyatta ka jeediyay xalay fiidki madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House xilli uu ka qayb galay kulan dhanka fogaal-aragga ah oo looga hadlay isbeddelka cimilada oo ay soo abaabuleen xarunta caalamiga ee la qabsashada ee (GCA) iyo bangiga horumarinta Afrika ee (AfDB).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here