Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Wafdigaan ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Wasaraadda Gaadiidka iyo Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Gobolka Gedo.
Ujeedka Safarka Wasiir Oomaar ee Garbahaarey ayaa waxaa lagu sheegay dhagax dhigista Garoon diyaaradeed oo ay yeelato Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka, maadaama halkaas sanado badan aysan laheyn Garoon.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaaladaas, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka degmada iy qeybaha Bulshada.
Dadka dagan Magaalada Garbaraaheey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa la sheegay in dhowr sano kahor ay isku dayeen inay isxilqaan ku dhistaan Garoon diyaaradeed, balse caqabado ka hor yimid uu hakad ku yimid.