Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo laga helay Covid19

0
626

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19.
Waxaa sidatan xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi Faysal Sultan.
Tani ayaa imaaneyso labo cisho uun ka dib markii ra’iisul wasaaraha uu qaatay tallaalka fayraska Korona.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka wasiirka caafimaadka ee dalka Pakistan ayuu ku sheegay in Mr. Khan uu goob gaar ah isku karantiilaya.
Dalka Koonfurta Aasiya oo ay ku noolyihiin 220 milyan oo qof ayaa waxaa si aad ah ugu soo badanaya dadka uu ku dhacaya fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here