Hay’adda Safaricom Foundation oo deeq gaarsiisay iskuula ku yaala Turkana

0
602

In ka badan 1,000 arday oo wax ka barta ismaamulka Turkana ayaa ka faa’iideystay fasallo, buugaag, miisas iyo kuraas oo ay ku deeqday hay’adda Safaricom Foundation.
Iskuuladan deeqda helay waxaa ka mid ah dugsiga hoose dhexe ee Katiko kaas oo loo dhisay ilaa 5 fasal oo cusub.
Dugsiyada Hoose ee Lolobo, Lokutumo iyo Loreamatet ayaa iyaguna lagu qalabeeyay barnaamijka dardargelinta ee waxbarashada (ALP),oo ay fulinayaan hay’adaha Safaricom iyo Zizi Afrique Foundation.
Dugsiga Hoose ee Nakiria ayaa isagana loo dhisay maktabad kaas oo lagu dhisay barnaamijka ALP.
Hay’adaha fuliyay Barnaamijyadan oo ay ka mid tahay Safaricom Foundation ayaa sheegtay in waxbarashadu ay tahay waddooyiinka loo maro nolosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here