Raila oo sheegay inuusan dano gaar ah ku wadan BBI

0
767

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashooyinka ah in geddisocdoka sharci beddelka ee BBI uu ku doonaya wadadii u ku tagi lahaa madaxtooyada dalka ee State House.
Raila Odinga ayaa sheegashooyinkaas ku tilmaamay inay yihiin eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn islamarkaana ay wadaan kuwa siyaasadiisa kasoo horjeedda.
Waxaa u taa beddelkeeda xusay in hadii siyaasi doonaya in u tartama jagada ugu sarreysa u taageero ka raadsanaya shacabka balse geddisocodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka u buslshada kenyaanka u horseedi doona horumar waaro.
Sida laga soo xigtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhanka kale sheegay in go’aanka cidda beddeli doonta madaxweyne Uhurru Kenyatta marka uu dhamaado mudada uu xilka haayo ay bulshada kenyaanka ay dooran doonaan hoggamiyaha saxda ah.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa u mahadceliyay wakiilladii meel mariyay BBI.
Waxaa u sidoo kale kalsooni ka muujiyay in labada aqal ee dalka ay ayagana meel marin doonaan hindisaha sharci beddelka ee BBI.