Barnaamij gargaar ah oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo waaxyo gaar ah ayaa laga fuliyay ismaamulka Marsabit halkaasi oo cunno loogu qaybiyay qoysas tiro ahaan dhan 20,000.
Qorshahan ayaa socon doono muddo hal toddobaad ah waxaana sidoo kale lagu fidinaya adeegyada biyaha iyo fayadhowrka.
Gargaarka oo uu hor kacayay madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa laga fuliyay degmooyinka Illerete iyo Saku ee Marsabit.
Shirkadda Safaricom ayaa qorshaha looga falcelinaya saameynta abaarta ee laga dareemaya 23 ismaamul ku bixinaysa lacag dhan 100 milyan oo shilin.
Hay’adda tabarucaadda ee bangiga KCB ee loo yaqaano KCB Foundation ayaa ballanqaaday inay si degdeg ah u bixinaysa gurmad lacageed oo dhan 2.5 milyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowlada dhexe ay soo saartay digniin ah in kenyaanka macluusha wajahaya ay bartamaha bisha Lixaad ee sanadkan tiradoodu gaari karto 3.5 milyan maadaama ay hadda tahay 3.1 milyan.