In ka badan 200 oo qof ayaa la xiray ka dib markii ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal wajiyada soo duubtay oo ka qeyb galayay dibadbax ka dhan ah musuq maasuqa oo ka dhacay caasimadda Filibiin ee Manila.
Bayaan ay soo saareen subaxnimadii Isniinta, booliiska gobolku waxay ku sheegeen in inta badan isu soo baxyadii maalin ka hor ay ahaayeen kuwo nabdoon, haddana uu isu beddelay rabshado”.
Ugu yaraan 131 sarkaal ayaa ku dhaawacmay iska horimaadka, kuwaas oo qaar ka mid ah uu soo gaaray dhaawac halis ah ,iyadoo la daaweynayo.