Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 200 oo ruux ay ku nafwaayeen dagaallada u dhexeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF.
Sidoo kale waxaa isku dhacyada ku dhaawacmay 1,800 oo dheeraad ah.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sidoo kale laga soo xigtay in dagaallada ay ku burbureen isbitaallo iyadoo qaybinta agabka caafimaad iyo cuntada ay gabaabsi noqdeen.
Volker Perthes, madaxa howlgalka qaramada midoobay ee gudaha Suudaan ayaa sheegay inay aad u adag tahay in la saadaaliyo sida ay xaaladdu noqon karto.
Shalay ayay ahayd markii xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan isku dhacyada oo ay billaabaan wada hadallo nabadeed.